| Home | Contact us | Links | Archives | Search | |||
|
A tribute to Hassan Sheikh Mumin
| |||
|
Issue 315
|
Language fails me in trying to write a tribute to an eminent and enigmatic playwright like Hassan Sheikh Mumin. A man of unfathomable and versatile philosophy, a superbly creative and lucid style, a prophetic vision and cultural connoisseur who dived to the deepest depths of the language and adorned words with different hues and layers of meaning. But instead of trying to capture the essence of his works and his personality in prose, a risk that I will engage in sometime in the future, I found it easier now to resort to Somali poetry, which comes as natural as drinking milk as Hassan has brilliantly expressed in his “…Afkii Qalaad ha muudin, Carrabku qaldi maayee, sidii caanaha qudhqudhiyaay.” It is therefore, by turning to the beauty of the Somali language, a language that Hassan has fashioned and enriched through his brilliant dramas, mesmerizing melodies and masterly knowledge that I will try to describe the literary void that his departure has created. Tixdan oo aan ka tiriyey geeridii Abwaan Xasan Sheekh Muumin waxay taataabanaysaa kaalintii suugaaneed ee uu abwaanku kaga jiray halabuurka Soomaaliyeed. Xasan wuxu ahaa tiirarka ugu waaweyn ee riwaayadyahanka Soomaaliyeed, isaga oo si gaara ugu tilmaanaa doorka uu ka qaato wacyigelinta, gaar ahaan dhiirri gelinta tacliinta iyo naqdiga aafooyinka bulshada. Wuxu ahaa nin afka ku xarragooda oo sarbeebtiisu xambaarsan tahay falsafad gundheer oo uu si farshaxanimo leh uu uga soo mullaaxdo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Xasan wuxu ku geeriyooday magaalada Oslo, Norway, 16 January 2008, waxana lagu aasay magaalada Boorama, Somaliland, 26 January 2008. Qudbigii suugaanta Duniyeey qadaraleey Qorraxduu ahaa iyo Allaylehe qod baa dhacay Af Soomali qurux badan Murtideena qaniga ah Quruumaha wixii dhacay Ayaa qaaxo iyo cudur Yaa jacayl ku qaydaran Inta uu Qurbaankiyo Inaguna qushuuc iyo Qummanow saciidiyo Qalabkuu jecelaa iyo Codkii qaaligiiyuu Mawliidow qormeeyoo Qabnadii warkiisiyo - Bashir Goth, 23 Jan. 2008. —————————– 1- Siciid Cabdillaahi Iimaan, waa Abwaan ku nool dalka Imaaraadka Carabta horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim. 2- Daahir Maxamuud Xaddi, waa Abwaan ku nool Somaliland ahna Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim. 3- Dr. Cabdiraxmaan Bayle, waa nin aan jeclayn in lagu tilmaamo Abwaan laakiin suugaanta curiya, ururiya oo jecel, waana dhaqaale yahan ka shaqeeya Bangiga Afrika, dhawaana wuxu tiriyey heesta Qaylo Dhaan ee uu u tiriyey tiiraanyada Calanka Soomaaliyeed haysata. 4- Axmed Xasan Caynaan (Mawliid), waa fanaan ku xeel dheer tumista kamanka, waana ninka uu Xudaydi yidhi waxan ku wareejay dhaxalkii kamanka, wuxuna ku nool yahay Imaaraadka Carabta. 5- Hibo Maxamed Hoddoon (Hibo Nuura), waa fanaanada caanka ee ku soo baxday riwaayaddii Shabeel Naagood ee Xasan Sheekh Muumin sameeyey. Hibo iyada ayaa qaaday heesaha ugu badan ee Xasan tiriyey, waxaanay ku soo kortay guriga Abwaanka yaraanteedii. By Bashir Goth |
||
|
Home | Contact us | Links | Archives | Search |
|||